Liverpool Oo Xiddig Premier League Ka Ciyaara U Aqoonsatay Badalka Darwin Nunez

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay weeraryahan Premier League ah bedelka macquulka ah ee Darwin Nunez xagaagan.

Nunez ayaa Reds ugu soo biiray lacag rikoorka ah oo dhan £85m xagaagii 2022, tan iyo markaas waxa uu diiwaan geliyay 33 gool iyo 17 caawin 96 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

24-sano jirkaan ayaa si joogto ah uga soo muuqday xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay ee Jurgen Klopp ee Anfield, waxaana uu ka qeyb qaatay 18 gool iyo 13 caawin 54 kulan oo uu saftay, isagoo ka caawiyay Liverpool inay ku guuleysato EFL Cup islamarkaana ay xaqiijiso inay ku dhameysatay kaalinta seddexaad ee Premier League.

Si kastaba ha ahaatee, Nunez – oo ku guuldareystay inuu gool dhaliyo 10-kii kulan ee ugu danbeysay ee xilli ciyaareedka 2023-24 – ayaa la kulmay dhaleecayn xoogan waxan uu lumiyay booskiisa joogtada ah Ee kooxda.

Nunez ayaa weli afar sano uga harsan tahay qandaraaskiisa Anfield, laakiin waxaa lala xiriirinayay inuu xagaaga u wareegayo kooxda ka dhisan La Liga ee Barcelona.

Sida laga soo xigtay The Sun, Liverpool ayaa shaki ka qabta Nunez, waxaana laga yaabaa inuu xagaagan u dhaqaaqo bartilmaameedka ugu sarreeya ee tababaraha cusub Arne Slot.

Runtii, waxa la sheegay in Slot uu aad u danaynayo Liverpool inay dalab ka gudbiso weeraryahanka Aston Villa Ollie Watkins, kaasoo uu aad ula dhacsan yahay tababaraha cusub ee Reds loo magacaabay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga