Liverpool Oo Xaqiijisay Bixitaanka 12 Xiddig Iyo Salah Oo Hogaaminaya.

Liverpool FC ayaa gudbisay liiska ciyaartoyda ay sii haynayso (retained list) ee Premier League kadib dhammaadka xilli ciyaareedka 2025-26.

Sida hore loo shaaciyey, Ibrahima Konaté, Andy Robertson, Mohamed Salah iyo Rhys Williams ayaa dhammaantood ka tagaya kooxda koowaad ee Liverpool xagaagan.

Sidoo kale, tiro ciyaartoy ah oo ka tirsan Akademiyadda kooxda ayaa ka tagi doona Liverpool marka ay qandaraasyadoodu dhammaadaan.

Kareem Ahmed, Emmanuel Airoboma, James Balagizi, DJ Bernard, Oakley Cannonier, Josh Davidson, Terence Miles iyo Jacob Poytress ayaa dhammaantood bilaabi doona marxalad cusub oo xirfaddooda kubadda cagta ah.

Qof kasta oo ka tirsan Liverpool FC wuxuu uga mahadcelinayaa ciyaartoydan waxqabadkoodii iyo dadaalkoodii ay kooxda u soo qabteen, wuxuuna u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan iyo guulo badan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga