Liverpool Oo Wadahadalo Heshiis Cusub Ah La Furtay Mohamed Salah.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay “dhakhso” wadahadalo la furto Mohamed Salah si ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga kadib hadalkii ka soo yeedhay xiddiga ee ku saabsanaa in uu sanadkan yahay midkii ugu dambeeyay ee Liverpool.

Salah ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican Liverpool tan ilaa markii uu kaga soo biiray Roma xagaagii 2017.

Xiddiga ayaa haatan lagu qiimeeyaa xiddiga ugu fiican taariikhda Liverpool isaga oo dhaliyay 214 gool 92 kalena caawiye ka noqday.

Heshiiska Salah ee Liverpool ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu sheegay in uu sanadkan yahay sanadiisii ugu dambeeyay ee kooxda.

Kadib hadalkaas maamulka Liverpool ayaa wadahadalo dhakhso ah la furaya xiddiga si ay heshiis cusub uga saxiixdaan.

Sida laga soo xigtay Football Insider, Maamulka Liverpool ayaa la xidhiidhay wakiilada xiddiga si ay ugala hadlaan mustaqbalkiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga