Liverpool ayaa si guul leh ku billowday ololaheeda UEFA Champions League 2026/27, kadib markii ay garoonkeeda Anfield ku garaacday kooxda Atlético Madrid 2-1, kulan adag oo ka tirsanaa wareegga koowaad ee heerka horyaalka tartanka, Kooxda uu hoggaamiyo tababare Andoni Iraola ayaa muujisay dabeecad adag, iyadoo kasoo laabatay gool looga hormaray si ay u gaarto saddexda dhibcood ee ugu horreeya.
Ka hor inta aysan ciyaartu bilaaban, taageerayaasha Liverpool, gaar ahaan kuwa fadhiya The Kop, ayaa soo bandhigay Tifo weyn oo loogu talagalay Mohamed Salah, Sawirka weyn ee Salah ayaa lagu xardhay qaybta taageerayaasha, iyadoo loo aqoonsaday inuu yahay mid ka mid ah halyeeyada ugu waaweyn taariikhda Liverpool, taasoo mar kale muujisay jacaylka iyo qaddarinta ay taageerayaashu u hayaan kabtanka reer Masar.
Kooxda martida ahayd ayaa ciyaarta si fiican ku bilaabatay, waxaana daqiiqaddii 17-aad goolka hoggaanka u dhaliyay Marcos Llorente.
Xiddiga reer Spain ayaa mar kale shabaqa ka taabtay Anfield, isagoo sii watay rikoodhkiisa wanaagsan ee uu ku leeyahay kulamada uu ka ciyaaro garoonkan, Liverpool ayaa kordhisay cadaadiska ay saareysay kooxda martida ahayd, waxaana daqiiqaddii 40-aad goolka barbaraha u dhaliyay Dominik Szoboszlai.
Goolkaas ayaa dib u soo nooleeyay rajada Liverpool, iyadoo labada kooxood qeybtii hore ku kala nasteen 1-1, Qeybtii labaad Liverpool ayaa sii waday weerarka, waxaana daqiiqaddii 50-aad goolka guusha u dhaliyay khadka dhexe ee reer Argentina Alexis Mac Allister.
Mac Allister ayaa si deggan u dhammeystiray fursad uu helay, taasoo Liverpool siisay hoggaanka ciyaarta, Inkasta oo Atlético Madrid ay isku dayday inay hesho goolka barbaraha, haddana difaaca Liverpool ayaa si adag u istaagay ilaa dhamaadka ciyaarta.
Guushan ayaa Liverpool siisay saddex dhibcood oo muhiim ah kulankeedii ugu horreeyay ee Champions League, waxayna muujisay in kooxda Andoni Iraola ay diyaar u tahay inay si xooggan ugu tartanto koobka xilli ciyaareedkan, Soo laabashada Liverpool kadib goolkii looga hormaray, iyo bandhigyada wanaagsan ee ay sameeyeen Szoboszlai iyo Mac Allister, ayaa ahaa qodobadii ugu muhiimsanaa ee kooxda ku hoggaamiyay guushan.
Be the first to comment