DIB U-EEGID:- Rikooradii laga diiwaan geliyey Kulankii Barcelona & Yamal & Raphinha oo taariikh dhigay ….

Barcelona ayaa sii xoojisay farriinta ay u dirtay kooxaha Yurub kadib markii ay 5-1 ku xasuuqday Feyenoord kulankii ugu horreeyay ee UEFA Champions League, Guushan ayaa sii muujisay in kooxda uu hoggaamiyo Hansi Flick ay ku jirto qaab ciyaareed aan caadi ahayn, iyadoo weerarkeedu uu noqday kan ugu halista badan Yurub bilowga xilli ciyaareedka 2026/27.

Barcelona waxay shantii kulan ee ugu horreysay xilli ciyaareedkan ka dhalisay 22 gool dhammaan tartamada ay ciyaartay, tiradan ayaa ka dhigan celcelis ahaan in kooxda Catalanka ay dhalisay ku dhowaad 4.5 gool kulan kasta, taasoo muujineysa awoodda weerar ee ay dhiseen Hansi Flick iyo ciyaartoydiisa.

Kooxdu ma aha oo kaliya inay guuleysaneyso, balse waxay sidoo kale soo bandhigeysaa kubbad weerar ah oo soo jiidatay indhaha taageerayaasha iyo khubarada kubadda cagta, Lamine Yamal ayaa sii wada bandhigyada cajiibka ah ee uu sameynayo, isagoo mar kale noqday ciyaaryahanka ugu saameynta badan kooxda.

Saddexdii kulan ee ugu dambeysay wuxuu si toos ah uga qeyb qaatay 7 gool, taasoo caddeyn u ah qaab ciyaareedkiisa heerka sare ah.

Waxqabadkiisii ugu dambeeyay waxa uu ahaa Laba gool kulankii Rayo Vallecano ka dhaliyey,  Laba gool ayuu dhaliyey kulankii Valencia, Hal gool iyo  laba caawin kulankii Feyenoord.

Yamal ayaa markale ahaa maskaxda weerarka Barcelona, isagoo gool dhaliyay isla markaana labo gool kale caawiye ka noqday kulankii Feyenoord, Goolkii laadka xorta ahaa  (Free-kick) ee uu ka dhaliyay Feyenoord wuxuu galay taariikhda Champions League.

Lamine Yamal ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee koox La Liga ah u dhaliya gool toos ah oo laad xor ah Champions League, isagoo jiray 19 sano iyo 58 maalmood, Wuxuu rikoodhkaas kaga hormaray, Arda Güler – 21 sano iyo 49 maalmood & Sergio Agüero – 21 sano iyo 154 maalmood, Tani waxay sii muujineysaa in Yamal uu noqday mid ka mid ah hibada ugu weyn kubadda cagta caalamka.

Haddii Yamal uu yahay halyeeyga da’da yar, Raphinha ayaa ah ninka ugu goolasha badan kooxda, Weeraryahanka reer Brazil ayaa hadda dhaliyay 8 gool shantii kulan ee ugu horreysay xilli ciyaareedka.

Goolashiisa waxay kala ahaayeen 2 gool oo  Elche, gool Athletic Club, 2 Rayo Vallecano ah, mid Valencia ah &  2dii Feyenoord

Waxa intaas dheer inuu gool dhaliyay dhammaan shanta kulan ee uu Barcelona u saftay xilli ciyaareedkan, waana wax muujinaya joogteyn heer sare ah.

Kulankii Feyenoord wuxuu ahaa markii afaraad oo Barcelona ay hal kulan ku dhaliso shan gool tan iyo bilowga xilli ciyaareedkan, Tani waxay caddeyn u tahay in kooxda Hansi Flick aysan ku tiirsaneyn hal ciyaaryahan oo keliya, balse ay leedahay weerar awood u leh inuu koox kasta dhibaato ku abuuro.

Barcelona waxay hadda isku darsatay, Weerar aad u xooggan, Ciyaartoy da’yar oo si joogto ah u ifaya, Khibradda Raphinha iyo xiddigaha kale, Hab ciyaareed weerar badan oo soo celiyay awooddii kooxda, Bandhigyada Lamine Yamal iyo Raphinha ayaa noqday astaanta Barcelona ee xilli ciyaareedkan, waxaana kooxda Catalanka durba loo arkaa mid ka mid ah kooxaha ugu cadcad ee ku tartami kara koobka UEFA Champions League.

Haddii Barcelona sidan ku sii socoto, waxay noqon kartaa kooxda ugu halista badan Yurub xilli ciyaareedka 2026/27, iyadoo weerarkoodu uu durba cabsi geliyay kooxaha waaweyn ee qaaradda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga