Liverpool Oo Guul Ku Macasalaamaysay Jurgen Klopp, Chelsea Iyo Man United Oo Guulo Ku Soo Xidhay Xilli Ciyaareedka.

Kooxda Liverpool ayaa guul ku macasalaamasay Jurgen Klopp kulankii ugu dambeeyay ee tababaraha.

Sidoo kale Liverpool ayaa guul ku soo xidhatay premier League iyaga oo ku dhamaystay kaalinta 3-aad.

Reds ayaa ahayd kooxda fiican iyaga oo ka awood badnaa Wolves kulan ka dhacay Anfield.

Daqiiqadii 34-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Alexis McAlister kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kooxda Liverpool ayaa daqiiqadii 40-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay Jarell Quansah kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool ahayd kooxda fiican kulanka.

Dhinaca kale kooxda Man United ayaa garaacday Brighton iyada oo ay goolasha u dhaliyeen xiddigaha Diogo Dalot Iyo Rasmus Hojlund.

Chelsea ayaa dhinaceeda garaacday kooxda Bournemouth iyada oo ay goolasha u dhaliyeen xiddigaha Moises Caicedo Iyo Raheem Sterling.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga