Liverpool Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Alisson Kadib Xiisihii Kooxaha Sucuudiga

Kooxda Liverpool ayaa Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Goolhaye Alisson Becker Kadib markii uu xiiso ka helay kooxaha sucuudiga.

Alisson ayaa u ciyaaraya kooxda Liverpool tan ilaa sanadkii 2017 markaas Oo uu kaga Soo biiray kooxda As Roma.

Goolhayaha reer Brazil ayaa ku guulaystay in uu Liverpool la qaado koobab badan oo ay ugu muhiimsan yihiin horyaalka England Premier League, Champions League iyo tartamada kale ee maxaliga ah.

Sida Laga Soo xigtay Fabrizio Romano, Liverpool ayaa Go’aansatay in ayna iibin Goolhaye Alisson suuqa Xagaaga.

Liverpool ayaa doonaysa in ay sii haysata xiddigaha khibrada leh Alisson Ayaana ka mid ah Xiddigaha khibrada leh ee kooxda.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga