Liverpool Oo Dar-Dar Galinaysa Baacsiga Ay Ugu Jirto Federico Chiesa

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay xoojinayso dadaalka ay ugu jirto saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Juventus ee Federico Chiesa ka hor suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kadib magacaabista Arne Slot ee badalka Jurgen Klopp is badal weyn ayaa ka dhacaya Reds iyada oo kooxda ku soo laabteen agaasimayaal horay uga tagay.

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Tutto Juve, Liverpool ayaa dar-dar galinaysa saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Italy.

Bianconeri ayaa la rumeysan yahay inay diyaar u tahay inay 26-sano jirkaan qiimo sax ah kula wareegto xagaagan haddii uusan aqbalin shuruudaha cusub ee ay kooxdu soo bandhigtay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga