Guardiola Oo Magacaabay 3 Xiddig Oo Codsaday In La Badalo Kulankii Real Madrid Ee Champions Legaue.

Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday in seddex ka mid ah ciyaartoyda Manchester City ay weydiisteen in la bedelo ka hor bilowgii rikoodhayaasha kulankii Real Madrid ee Champions League.

Man City ayaa looga badiyay 4/3 rikoodhayaal ah kadib markii ay bar-baro 1/1 ah ku galeen garoonka Etihad Stadium.

Xiddigaha Mateo Kovacic & Bernardo Silva ayaa khasaariyay rikoodhada ay u laagteen kooxdooda.

Guardiola ayaa haystay dookhyo badan oo uu ka dooran karo si ay rikoodhada ugu laagaan Man City iyada oo Haaland iyo De Bruyne ka maqnaayeen rikoodhada maadama ay labada xiddig ku fiican yihiin rikoodhada.

Laakiin Guardiola ayaa xaqiijiyay in labada xiddig iyo waliba Manuel Akanji ay codsadeen in la badalo wakhtigii deeriga ahaa maadama ay dareemeen in ayna dhamaysan karin 120 daqiiqo.

Guardiola ayaa yidhi”Haaland, De Bruyne iyo Manuel Akanji  Waxa ay iga codsadeen in ay baxaan, way sii wadan kari waayeen”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga