Kyle Walker Oo Xiddig U Ciyaara Chelsea Ku Tilmaamay Xiddiga Ugu Fiican Adduunka

Daafaca Manchester City Kyle Walker ayaa kabtanka Chelsea Reece James ku tilmaamay daafaca midig ee ugu fiican adduunka.

James ayaa dhaawacyo soo gaaray intii uu ku sugnaa Stamford Bridge, laakiin waxa uu weli awooday inuu 158 kulan u saftay tartamada oo dhan tan iyo markii uu u saftay 2019, isagoo dhaliyay 11 gool isla markaana diiwaangeliyay 22 caawin.

24-sano jirkaan ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ugu wacnaa isagoo xiran funaanada Blues xilli ciyaareedkii 2021-22 markaasoo uu hogaaminayay tababarihii hore ee Thomas Tuchel markii uu dhaliyay shan gool islamarkaana caawiyay sagaal gool 26 kulan oo Premier League ah.

Walker wuxuu aaminsan yahay in ninka Chelsea uu leeyahay dhammaan sifooyinka saxda ah ee ka dhigaya inuu “dhameystiran yahay” daafaca midig.

Markii la weydiiyay inuu magacaabo daafaca midig ee ugu fiican adduunka marka laga reebo isaga laftiisa ayuu yidhi”Reece James”.

“Wax Walba wuu leeyahay, wax Walba, hadii aan samayn lahaa daafaca midig Oo Dhamaystiran waxa uu noqon lahaa isaga Oo kale”.

“Wuu difaaci karaa, weerari karaa,  farsamo ayuu leeyahay waxa uu isticmaali karaa labada lugood, waxa uu halis ku yahay kubadaha karooska ah”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga