Klopp Oo Ka Hadlay Qaab Ciyaareedka Liita Ee Mohamed Salah Kulamadii Ugu Dambeeyay.

Jurgen Klopp ayaa ku adkeysanaya inuusan si gaar ah uga walwalin qaab ciyaareedka Mohamed Salah wuxuuna sheegay in weeraryahanka Liverpool uu waligiis lahaa xilliyo uusan ku fiicnayn goolka hortiisa.

Salah ayaa xilli ciyaareedkan u dhaliyay 29 gool koox iyo wadan laakiin waxaa jira dareen ah in guud ahaan in qaab ciyaareedkiisu uu hoos u dhacay dhinaca dhamaystirka fursadaha.

Laacibka reer Masar ayaa rigoore ka dhaliyay kooxda Atalanta habeenimadii Khamiista laakiin Liverpool ayaa wali ka hadhay tartanka Europa League.

“Walaac kama qabo”ayuu Klopp yidhi.

“Tani waa waxa weeraryahanadu sameeyaan iyo waxa ku dhaca weeraryahanada. Waa inay tan maraan, waa inuu tan maraa”.

“Waa mid ka mid ah xiddigaha ugu khibrada badan kooxda, ahan in uuna Salah horay u seegin fursado noloshiisa kulan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga