Arsenal ayaa Emirates Stadium ku garaacday Chelsea 2-1, iyadoo Gunners-ku ay sidaas ku gaareen guushoodii saddexaad oo xiriir ah ee Premier League, Chelsea ayaa ciyaarta si fiican ku bilaabatay, waxaana Morgan Rogers uu Blues-ka hoggaanka u dhiibay wax ka yar laba daqiiqo markii ciyaartu bilaabatay, Laakiin Arsenal ayaa si degdeg ah uga jawaabtay, Kai Havertz ayaa qeybtii hore ciyaarta barbareeyay, ka hor inta uusan Martin Ødegaard qeybtii labaad dhalin goolka labaad ee Arsenal, kaas oo ugu dambeyn noqday goolka guusha.
Xabi Alonso iyo fariintii qarsoodiga ahayd, Waxa ugu badan ee ciyaarta kadib hadal hayn dhaliyay ayaa ahaa warqad uu Xabi Alonso u diray kabtanka Chelsea, Reece James.
Kaamirooyinka Sky Sports ayaa qabtay Alonso oo warqad laba laaban u dhiibaya Danny Welbeck, kaas oo kadib gaarsiiyay Reece James, iyo Cole Palmer ayaa 88-daqiiqadii garoonka dhexdiisa wada akhriyay fariinta.
Sawirrada laga qabtay warqadda ayaa muujiyay qaab-dhismeed ciyaareed oo garoon lagu sawiray, waxaana ka muuqday saddex ciyaaryahan oo weerarka ku jira. Waxaa loo maleynayaa in Alonso uu isku dayayay inuu wax ka beddelo qaabka Chelsea si ay u hesho fursad ay ciyaarta ugu soo laabato, Si kastaba, qorshahaasi ma uusan dhalin natiijadii la doonayay, Arsenal ayaana difaacday hoggaankeeda ilaa dhamaadka.
Guushan waxay Arsenal ka dhigtay mid ka mid ah labada kooxood ee keliya ee xilli ciyaareedkan leh 100% rikoor, iyadoo Manchester City ay kooxda kale tahay, Dhanka kale Chelsea ayaa la kulantay guuldarradii ugu horreysay xilli ciyaareedkan, iyadoo Xabi Alonso uu hadda wajahayo shaqo adag oo ku saabsan hagaajinta difaaca, Chelsea waxay saddexdii kulan ee ugu horreeyay dhalisay weerar wanaagsan, balse waxay sidoo kale laga dhaliyay 7 gool.
Alonso ayaa qirtay in kooxdiisu u baahan tahay inay noqoto mid adag, isku dheelitiran oo difaac ahaan ka fiican, inkastoo uu sheegay inuusan doonayn in kooxdiisu kubadda gadaal u fariisato.
Be the first to comment