Halyeeygii hore Manchester United oo farta ku fiiqay xidigaha sababta u ahaa fadeexadii Man utd ee shalay ….

Halyeeyga Manchester United, Gary Neville, ayaa walaac weyn ka muujiyay xaaladda difaaca kooxdiisii hore, kaddib markii United ay Axaddii 2-2 barbaro la gashay Everton, iyadoo goolka barbaraha laga dhaliyay daqiiqaddii 96-aad.

Manchester United ayaa ciyaarta laba jeer hoggaanka qabatay, iyadoo Bryan Mbeumo uu dhaliyay goolka koowaad, halka Benjamin Šeško uu daqiiqaddii 88-aad madax ugu dhaliyay goolka labaad,  Laakiin Everton ayaa labada jeerba soo laabatay, iyadoo Ainsley Maitland-Niles uu daqiiqaddii 96-aad dhaliyay gool cajiib ah oo 30–35 yaardi ah.

Neville ayaa sheegay inuu aad uga carooday qaabka Manchester United u difaacday weerarkii sababay goolka ugu dambeeyay, Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay Dorgu, Santos iyo Leny Yoro, isagoo sheegay in qaladaadkooda is-daba jooga ah ay Everton u fududeeyeen inay kubbadda u soo dhaweeyaan xerada ganaaxa.

Neville wuxuu sheegay in marka United ay 2-1 hoggaamineyso daqiiqadaha ugu dambeeya, ciyaartoydu ay tahay inay si buuxda u nidaamsanaadaan, maadaama ay caddahay in kooxda martida loo yahay ay kubbado badan ku soo tuuri doonto xerada ganaaxa, Neville ayaa tilmaamay in United laba gool laga dhaliyay saddexdii kulan ee Premier League ay ciyaartay xilli ciyaareedkan.

Wuxuu sheegay in koox sida Manchester United oo kale ah aysan awoodin inay si joogto ah u ogolaato laba gool kulan kasta, isagoo ka digay in dhibaatada difaaca ay kooxda “daba geli doonto” haddii aan xal degdeg ah loo helin, Tababaraha Manchester United Michael Carrick ayaa isna qirtay in kooxdu u baahan tahay inay yarayso tirada goolasha laga dhaliyo.

Carrick wuxuu sheegay in inkastoo labada gool ee Everton ay ahaayeen shuutayaal aad u qurux badan, haddana kooxda ay jiraan waxyaabo ay tahay inay hagaajiso si ay fursad fiican ugu hesho inay kulamadeeda badiso, Natiijada ayaa Manchester United siisay 4 dhibcood saddex kulan kadib, iyadoo kooxda lagu hayo kaalinta 11-aad, halka Everton ay leedahay 5 dhibcood oo ay ku jirto kaalinta 8-aad, United ayaa hadda indhaha u jeedinaysa kulankeeda Champions League ee ay la ciyaari doonto Sabah FK, ka hor inta aysan u diyaar garoobin kulanka weyn ee Manchester Derby.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga