WARBIXIN: 7 Ciyaartoy Oo Dhabarka Ku Waday Kooxdooda Xilli Ciyaareedkii Dhamaaday.

Kubadda cagtu waa ciyaar kooxeed, laakiin mararka qaarkood koox dhan waxay ku tiirsanaan kartaa hal ciyaaryahan oo keliya.

Xilli ciyaareedkii dhamaaday waxa jiray xiddigo badan oo dhabarka ku waday kooxohooda inkasta oo ay dhibaatoonaysay.

Warbixintan waxan ku soo bandhigi doonaa 7 ciyaartoy oo dhabarka ku wayday kooxohooda xilli ciyaareedkii dhamaaday.

1. Kylian Mbappé – Real Madrid

Mbappé ayaa ah ciyaaryahanka ugu muuqda liiskan. Wuxuu si toos ah uga qayb qaatay 39 gool 29 kulan oo uu u saftay Real Madrid. In ka badan 55% goolasha Madrid ee La Liga xilli ciyaareedkan ayuu qayb ka yahay. Marka uusan ciyaarin, kooxda waxay u muuqataa mid dhibtoonaysa.

2. Dominik Szoboszlai – Liverpool

Liverpool xilli ciyaareed adag ayay ku jirtay, balse Szoboszlai ayaa ahaa iftiinka kooxda. Wuxuu dhaliyaa goolal, caawiyaa goolasha, abuuraa fursado, difaacana ka qayb qaataa. Wuxuu xilli ciyaareedkan ka ciyaaray 6 boos oo kala duwan, haddana weli wuxuu soo bandhigayaa heer sare.

3. Harry Wilson – Fulham

Tan iyo bishii November, Harry Wilson wuxuu ahaa xiddiga ugu muhiimsan Fulham. Wuxuu si toos ah uga qayb qaatay 13 gool 15 kulan gudahood, isagoo keenay goolal iyo caawinno muhiim ah oo kooxda dhibco badan u horseeday.

4. Scott McTominay – Napoli

Marka McTominay uusan gool dhalin ama caawin sameyn, Napoli dhibaato ayay gashaa. Wuxuu si gaar ah muhiim ugu ahaa Champions League, isagoo door weyn ka qaatay goolasha kooxda inkastoo uu yahay khadka dhexe.

5. Ousmane Dembélé – PSG

Kadib dhaawacii uu ka soo laabtay, Dembélé ayaa PSG garbaha saartay. Wuxuu si toos ah uga qayb qaatay 9 gool 9 kulan gudahood, wuxuuna ka caawiyay PSG inay dib ugu laabato hoggaanka horyaalka.

6. Cristian Romero – Tottenham

Romero ma aha oo kaliya difaac adag, balse sidoo kale wuxuu noqday il goolal. Kabtanka Spurs wuxuu si toos ah uga qayb qaatay 10 gool 25 kulan gudahood, taasoo cajiib u ah daafac dhexe.

7. Igor Thiago – Brentford

Igor Thiago ayaa si weyn u xambaarsan Brentford. Wuxuu dhaliyay 16 gool Premier League ah, wuxuuna qayb ka yahay in ka badan 48% goolasha kooxda. Marka uusan gool dhalin, Brentford badanaa dhibco ayay lumisaa.

Xusid Gaar ah: Joan García – Barcelona

Inkastoo Barcelona ay leedahay xiddigo badan sida Lamine Yamal, Pedri iyo Lewandowski, goolhayaha Joan García ayaa ahaa geesi aan si weyn loo xusin. Badbaadino muhiim ah ayuu sameeyay kulamo badan, wuxuuna qayb weyn ka qaatay guulaha kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga