Keane Oo Sheegay In Fursad La Siiyo Erik Ten Hag, Sabab.

Roy Keane ayaa ku taageeray Erik ten Hag inuu sii ahaado tababaraha Manchester United ka dib guuldaradii 1-0 ee kooxda ka soo gaartay Arsenal.

Kadib guuldaradii 4/0 ahayd ee ka soo gaadhay Crystal Palace isniintii, Ten Hag ayaa fursad u haystay in uu kooxdiisa ku hogaamiyo guul ay ka gaadho Arsenal.

Laakiin Man United ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Arsenal kulan ka dhacay Old Trafford.

Isagoo ka hadlayay ciyaarta ka dib Ten Hag ayaa ku adkeystay in inkastoo United ay haatan ku jiraan xaalad adag hadana waxa uu sheegay in uu yahay xiddiga hogaamin kara kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Keane ayaa sheegay in ay tahay in fursad la siiyo si uu dhinaca kale u rogo rajada kooxda Man United.

“Waxaan rajeynayaa in la siiyo waqti dheeri ah oo oo uu dib ugu soo habeeyo kooxda”ayuu Keane yidhi.

“Dhibaatooyin waaweyn ayaa ka jira kooxda. Laakiin waxaan rajeynayaa in la siiyay fursad uu wax ku saxo”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga