Rooney Oo Qarxiyay Sir Ka Dambaysa Dhaawacyada Xiddigaha Man United.

Wayne Rooney ayaa ku eedeeyay xiddigaha Manchester United in ay ka dambeeyaan dhaawacyadooda si ay uga fogaadaan dhaleeceynta kadib guuldaradii Man United ee Arsenal.

Kooxda Ten Hag oo la dhibaatoonaysa dhaawacyo ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulmay Arsenal kulan ka dhacay Old Trafford.

Laakiin Rooney ayaa sheegay in ay qaar ka mid ah xiddigaha Man United ay si kas ah u sheegaan in ay dhaawacan yihiin si ay u seegaan kulamada kooxda.

“Qaar ka mid ah ciyaartoydaas waa ay ciyaari karaan 100%,” ayuu yiri gooldhaliyaha ugu goolasha badan Man United.

“Maxaa yeelay waxay ay la kulmeen dhaleecayn sidaas darted waxa ay go’aansadeen in si kas ah u seegaan kulamada”.

“Horay ayaan u soo arkay xiddigo si kas ah u sheegaya in ay dhaawacanyihiin si uu tababaruhu eeda oo dhan u qaato”ayuu ii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga