Sheeko Cusub:Koox Si La Yaab Leh Xiddig Ula Saxiixatay Laba Jeer Suuqii January, Sidee Ayay U Dhacday.

Koox ka tirsan League One ayaa la soo wareegtay ciyaaryahan ciyaarayahn kaliya 2 jeer intii uu furnaa suuqa January iyaga oo dib u soo celiyay 3 maalin kadib markii uu ka tagay kooxda.

Kooxda Peterborough United ayaa si xor ah kula soo wareegtay xiddiga Jed Steer 4 bishii January iyaga oo doonayay in ay heshiis wakhti yar ah kula wareegaan si ay ugu buuxiyaan booska Goolhayaha 1-aad oo ka dhaawacmay.

Heshiiska ayaa Steer ayuu heshiiskiisu dhacay 29 January waxana uu doonayay in uu isaga tago kooxda maadama uuna si joogto ah ugu ciyaarin kooxda.

Goolhayaha ayaa ciyaaray kaliya 4 kulan laakiin waxa uu ka baxay shaxda markii uu Goolhayihii dhaawacnaa soo laabtay.

Si kasta ha ahaatee Peterborough Ayaa mar kale la soo saxiixatay Goolhayaha 3 maalin kadib iyaga oo maalintii ugu dambaysay ka dhigay saxiixooda cusub.

Kooxda ayaa Steer ka saxiixatay hehsiis ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka sidaas darteed waxa uu noqday arin la yaab leh in ay United hal ciyaartoy la soo saxiixato suuq kaliya.

1 Comment

Dhiibo Fikirkaaga