Jose waxa uu yiri, Wixii ku dhacay aabahay maalintaas iyo erayadiisii ​​ayaa saamayn weyn ku yeeshay go’aankaygii ahaa inaan noqdo tababare.

1960-meeyadii José Manuel Mourinho Félix waxa uu ahaa mid ka mid ah goolhayayaashii ugu caansanaa Portugal, waxa uu u soo ciyaaray kooxaha Os Belenenses iyo Vitória de setùbal ka dibna waxa uu noqday tababaraha kaydka ee Rio Ave iyo Vitória de Setubal.

Naadiga Rio Ave ayuu macalin u noqday 1982, waxa uu sidoo kale tababar ku siiyay kooxda wiilkiisa, waxa uu u fidiyay gacan tabobarnimo, sidoo kale waxa uu siiyay fursado badan, laakiin wiilku waxba ma uusan samayn, mana uusan lahayn Hibo iyo xirfad toona, wuuna la qabsan waayay kooxda.
Dhawr kulan oo uu ciyaaray wiilkiisa Jose ka dib,
Waxba ma uusan soo bandhigin kooxda ayaana laga badiyay ku dhawaad ​​dhamaan kulamadii uu ka qeyb galay, waxaana sii kordhay carada taageerayaasha u qabaan macalinka, iyagoo ka dalbaday inuu sharaxaad ka bixiyo waxa dhacaya?
Maalin maalmaha ka mid ah aabbihiis, Felix, ayaa ugu yeeray: “inuu is kululeeyo”.
Jose waxa uu ahaa sagaal iyo toban jir, isla markii uu bilaabay is kululaynta, waxa tarabuunka ka soo baxay farriin, Boor ay kor u taageen taageerayaasha kooxda oo leh:
“Haddii aad wiilkaaga soo geliso ciyaarta, labadiinaba waa la idinka saari doonnaa kooxda.”
Felix wax dan ah kama gelin oo wuxuu ciyaarta galiyay wiilkiisa oo lagu magacaabo Jose, iyadoo arrimuhu ka sii darayaan gudaha garoonka, waxaa looga badiyay 7 vs 1. Bahdilaaddaas iyo ceebtaas darteed aabbihiis ayaa lumiyay sharafkii uu ku lahaa kooxda waxaana laga eryay booskii macalinnimada.
Halkaa waxaa ka bilaabmaya isbadalka ku imaanaya Jose.
Dabadeed aabbihii ayaa kula taliyey inuu wado kale qaado. Waxa uuna ku yiri :
“Wiiloow, si aad u guulaysato, hamigaaga guushu waa inuu ka weynaadaa cabsida aad ka qabto guul-darrada, malaha guushaadu uma baahna cagahaaga, ee waxay u baahan tahay maskaxdaada”.
Sababtoo ah, sida uu aabihiis sheegay, maalintaas waa 1982, Jose wuxuu go’aansaday inuu barto Cilmiga tababarka oo uusan waligiis dib dambe u ciyaarin. Iyo si uu ugu shaqeeyo inuu noqdo kan wax amraya ee uusan u noqon kuwa addeeca ama la amro.
José waxa uu ku biiray Jaamacadda Farsamada ee Lisbon, waxa uu bartay cilmiga ciyaaraha, waxa kale oo uu bartay lix luqadood, ka dibna waxa uu ku shaqeeyay caawiye tababare iyo tababaraha kooxda da’yarta. Ka dibna waxa uu la soo shaqeeyay tababare Bobby Robson iyo kooxda Sporting Lisbon, ka dibna FC Porto uyuu kala soo shaqeeyay isla tababaraha. Tababare Bobby Robson aad ayuu u aaminay Jose, waxa uuna jeclaaday fikradaha iyo Hal-abuurkiisa tababarka, sidaas darteed waxa uu go’aansaday in uu u kaxeeyo Barcelona

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga