Liverpool FC ayaa lagu soo waramayaa inay si xooggan ugu dhowaanaysa heshiis ay kula soo saxiixato xiddiga garabka uga ciyaara Paris Saint-Germain, Bradley Barcola, sida uu qoray The Sun 26 Agoosto 2026, Liverpool ayaa raadinaysa weeraryahan garabka ah kadib markii Mohamed Salah uu kooxda ka tagay dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore.
Barcola oo 23 jir ah ayaa markii hore PSG ay ku qiimeysay £145 milyan, balse warbixintu waxay sheegaysaa in hadda heshiis lagu gaari karo qiyaastii £115 milyan. Haddii uu dhaco, wuxuu noqon lahaa saxiixa labaad ee ugu qaalisan taariikhda Liverpool, wax yarna ka hooseeya £125 milyan ee lagu soo iibsaday Alexander Isak xagaagii hore.
Liverpool ma aha kooxda keliya ee doonaysa Barcola, Arsenal FC ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa xiddiga Faransiiska, iyadoo tababare Mikel Arteta uu doonayo inuu xoojiyo weerarka garbaha.
Barcola ayaa si wanaagsan uga soo muuqday Koobkii Adduunka, isagoo dhaliyay 3 gool, inkastoo marar badan loo adeegsan jiray ciyaaryahan beddel ah, Waxa kale oo uu door muhiim ah ku lahaa guulihii PSG ee Champions League.
War cusub ayaa sheegaya in Liverpool ay hadda gaartay marxaladaha ugu dambeeya ee heshiiska Bradley Barcola, iyadoo wada-hadallada ay la leedahay Paris Saint-Germain ay galeen heer aad u sarreeya.
Sida xogta cusub lagu sheegay, mas’uuliyiinta ugu sarreeya labada kooxood ayaa hadda si toos ah ugu lug leh wada-xaajoodka, waxaana la filayaa in horumar weyn ama heshiis kama dambeys ah uu soo dhowaado, wararkan waxay la jaanqaadayaan warbixinno kale oo maanta sheegaya in Liverpool iyo PSG ay dib u bilaabeen wada-hadallo xooggan, iyadoo rajo laga qabo in heshiis la gaaro
Be the first to comment