Koobka Qaramada Afrika Iyo Sixirka

Koobkii qaramada Afrika ee 2002, dhacdo la yaab leh ayaa ka dhacday ciyaartii u dhaxeysay Cameroon vs Mali
Thomas N’Kono, waa macalinka goolhayaha Cameroon, intii lagu guda jiray is kululaynta, ayaa waxa uu arkay askar booliis ah oo garoonka ku jira oo ku buufinaya walxo qalaad oo aan la aqoon garoonka dhexdiisa 🤨
Nkono ayaa si degdeg ah ugu orday dhankii booliiska wax buufinayay, waa ayna isku dhaceen isaga.
Qalalaasaha ayaa cirka isku sii shareeray oo u dhexeeyey labada nin ee booliiska ah oo doonayay in ay sixir ku faafiyaan garoonka iyo Nkono oo isku dayayay in uu ka hortago .
Xaaladda ayaa sii kullaatay ilaa ay Horin kale oo booliis ah ay soo farageliyeen sheekada, macalin Nkono waa la xiray 🔗
Xulka qaranka Cameroon ayaa diiday inay ciyaaraan kulanka, wada xaajood ka dib, Nkono waa la sii daayay, Cameroon waxay ogolaatay inay ciyaaraan.
Ugu dambayn, xulka lagu naanayso “Libaaxyada” oo shidnaa waagaa ayaa ku badiyay seddex gool, waxay u soo baxeen finalka, waxayna ku guuleysteen koobka 🏆.
“Africa Cup Of Nations”.
Su’aal; ma kula tahay in Sixir ama Tafaafuloow uu wax ka jari karo kubadda cagta ?.
Bal adba !.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga