Julián Álvarez ayaa maanta ka maqnaa tababarka Atlético Madrid kadib markii uu dareemay caafimaad-darro, Sida uu kooxda shaacisay, xiddiga reer Argentina ayaa maqnaa sabab la xiriirta xaalad caafimaad, iyadoo wararka Spain ay tilmaamayaan inuu habeen xun soo maray oo uu dareemayay calool-xanuun ama caafimaad-darro.
Maqnaanshaha Álvarez ayaa kusoo aadaya xilli mustaqbalkiisa Atlético Madrid uu weli yahay arrin aad u xasaasi ah. Ciyaaryahanku wuxuu si cad u doonayaa inuu ka tago kooxda, waxaana ilaa hadda Barcelona ah kooxda uu doorbidayo inuu ku biiro, warbixinno hore ayaa sheegay in Álvarez uu Barcelona u arko riyadiisa, halka Atlético Madrid ay si adag uga soo horjeeddo in ciyaaryahankeeda loo iibiyo kooxda reer Catalonia.
Dhanka kale, Arsenal ayaa weli si dhow ula socota xaaladda Álvarez, kooxda Mikel Arteta waxay diyaar u noqon kartaa inay dhaqaaqdo haddii ciyaaryahanku mar uun beddelo mowqifkiisa oo uu albaabka u furo Premier League, Si kastaba, ilaa hadda Álvarez ma uusan siin Arsenal ogolaanshaha ay u baahan tahay, isaga oo mudnaanta siinaya Barcelona.
Xaaladda ayaa sii murugsan kadib markii Álvarez uu la kulmay cadaadis kaga imaanaya taageerayaasha Atlético, kuwaas oo dhowaan ku ooriyay ciyaaryahanka, taasi waxay muujinaysaa sida uu khilaafka mustaqbalka xiddiga ugu noqday arrin weyn oo hareysay kooxda.
Wararka qaar ayaa sheegaya iney tahay talaabadan gadood uuku muujinayo inuu rabo in loo fasaxo barcelona hadii aan la dhageysaninna uu qaadidoono talaabooyin kale.
Sidaas darteed, maqnaanshaha maanta lama xaqiijin inuu yahay tallaabo uu ciyaaryahanku ku muujinayo rabitaan uu ku baxayo, balse waxaa si rasmi ah loogu sheegay caafimaad-darro, waxaase cad in indhaha oo dhan ay hadda ku jeedaan maalmaha ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga, iyadoo Barcelona ay weli tahay doorashada Álvarez, halka Arsenal ay diyaar u tahay inay ka faa’iidaysato haddii xaaladdu is beddesho.
Be the first to comment