Paul Scholes ..”Dagaalyahankii daacadda u ahaa Red Devils”

▪︎Mid ka mid ah ciyaartoyda fara ku tiriska ah ee taariikhda kubbada cagta soo maray ee xirfaddooda oo dhan hal naadi ku qaatay, Waxa uu xirfadiisa ciyaareed oo dhan u soo ciyaaray Manchester United, halkaas oo uu kala qayb qaatay 499 kulan, waxa uu u dhaliyay 107 gool, waxa uu sidoo kale ka qayb galay qaranka England isaga oo saftay 66 kulan, waxuu u dhaliyay 14 gool.
▪︎Scholes waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu xasaasisan ee aan abid aragnay, waxa uu lahaa darbo xoogan oo awood badan, wuxuu la qaaday 25 koob Manchester United, wuxuu u qaaday England Premier League 11 jeer, UEFA Champions League laba jeer, FA Cup 3 jeer. English League Cup (Carabao Cup) laba jeer iyo Koobka Ingiriiska (FA Community Shield) 5 jeer. Koobka Kooxaha Adduunka hal mar iyo Koobka Intercontinental hal mar.
▪︎Scholes waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu daacadsan taariikhda, waxaan u xiisnay waayahaan ciyaartoy daacad ah oo u ciyaara kaliya hal-ku-dhigga naadiga, ee maaha kuwa lacag darteed u ciyaara.
Dad badan waxay ku xasuustaan hadalkiisii ​​taariikhiga ahaa :- “Ma aan lahayn wakiil, Mar kasta oo uu qandaraaskaygu dhammaado, aniga oo lugeenaya ayaa ugu taga xafiiska, waxaan ku iraahdaa lambarka aad rabto ku qor heshiiska, kaliya hala ii ogolaado in aan u ciyaaro Man United;
Si aan u xirto Maaliyadda Man United oo aan u galo garoonka si aan ugu dagaalamo, waliba aniga oo ku raaxeesanaya dhageesiga codadka taageerayaasha oo mar walba leh, “Glory Glory Man United!”
Paul Scholes, Manchester United (1993-2011, 2012-2013)
▪︎November 16, 1974, ayuu ku dhashay, Salford, UK.
Bal adba iyo xasuutaada?.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga