WAA QARAXDAY Dagaalkii ugu cuslaa Barcelona & Athletico oo cirka isku shadheedhay & xaalka oo kadaray ?

Atlético Madrid ayaa si adag uga jawaabtay hadalladii madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ee ku saabsanaa Julián Álvarez, iyadoo kooxda Madrid ay sheegtay in aysan jirin wax fursad ah oo ay ciyaaryahanka ugu iibinayso Barcelona, Atlético ayaa hadal ay siisay Marca ku caddeysay in fursadda Julián Álvarez loogu wareejinayo Barça ay tahay “0%”, iyadoo xustay in arrintan aysan hadda ku saabsanayn lacag, balse ay ku saabsan tahay sharaf iyo karaamo.

Atlético Madrid waxay sidoo kale sheegtay in Julián Álvarez loo sawirayo inuu yahay dhibbanaha xaaladdan, balse sida ay kooxda Madrid qabto, dhibbanaha dhabta ah uu yahay Atlético lafteeda, Kooxdu waxay ku eedeysay in xaaladda ay dhaawac dhaqaale iyo mid bulsho u geysatay, iyadoo si gaar ah uga carootay sida dhacdadan loo soo bandhigay.

Kooxda Madrid ayaa intaas ku dartay inay jirto waxa ay ugu yeertay “olole ay ku jiraan beeno badan iyo xaqiiqooyin nus ah”, iyadoo ku adkeysatay in Atlético ay tahay kooxda keliya ee khasaaraha ka qaadaysa xaaladda Julián Álvarez, Sidaas darteed Atlético waxay mar kale caddeysay in aysan diyaar u ahayn inay ciyaaryahanka ka iibiso Barcelona, iyadoo ku celisay in fursaddu tahay eber boqolkiiba.

Dhanka kale, madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa qaba aragti ka duwan tan Atlético Madrid, Laporta wuxuu sheegay in Barcelona ay heshay xog muujinaysa in Atlético Madrid ay doonayso inay iibiso Julián Álvarez, Wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in Barcelona ay weli diyaar u tahay inay sii waddo dalabkeeda, isagoo sheegay in dalabka Barça uu shaqeynayo ilaa dhammaadka suuqa kala iibsiga.

Sidaas darteed, xaaladda Julián Álvarez waxay hadda isu beddeshay dagaal hadallo kulul wata oo u dhexeeya Barcelona iyo Atlético Madrid, Barcelona waxay sheegaysaa inay haysato xog ka duwan tan Atlético, isla markaana dalabkeedu weli miiska saaran yahay, halka Atlético ay si cad u sheegtay in aysan ciyaaryahanka Barcelona siin doonin, waxa ugu weyn ee hadda la sugayo ayaa ah in labada dhinac ay isku soo dhowaadaan ka hor inta uusan suuqa kala iibsigu xirmi, ama in Julián Álvarez uu ugu dambayn sii joogo Atlético Madrid.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga