Jose Mourinho Oo 10 Shardi Ku Xidhay Si Uu U Noqdo Tababaraha Real Madrid.

Marka laga hadlayo wada-hadallada u dhexeeya kooxda Real Madrid iyo tababaraha reer Portugal José Mourinho, Mourinho ayaa soo bandhigay shuruudo cad oo adag si uu u aqbalo xilka tababarenimo ee kooxda, iyadoo loo arko musharraxa ugu sarreeya jagadan.

Warbaahinta ayaa xaqiijisay in Florentino Pérez uu kulan muuqaal ah (video meeting) la yeeshay Mourinho, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa wakiilka Mourinho ee Jorge Mendes.

Sida uu qoray wargeyska Isbaanishka ah ee AS, shuruudaha Mourinho waa sidan:

1- Mudada Heshiiska

Mourinho wuxuu dalbanayaa heshiis laba sano ah oo keliya — wax ka yar ama ka badan midna ma aqbalayo. Wuxuu diiday fikradda heshiis hal xilli ciyaareed ah ama heshiis dheer oo bilow ah. Tababaruhu wuxuu rabaa in labada sano ay noqdaan waqti qiimeyn wadajir ah oo isaga iyo kooxda dhex mara, kadibna la eego suurtagalnimada kordhin ilaa 2028.

2- Qaabka Warbaahinta Loola Hadlo

Mourinho wuxuu doonayaa inuu ka fogaado khaladaadkii dhacay xilligii hore ee uu kooxda joogay, sidaas darteed wuxuu rabaa in wareysiyadiisa warbaahinta lagu koobo arrimaha kooxda koowaad oo keliya, iyadoo arrimaha kale ee kooxda uu ka hadlo afhayeen rasmi ah.

3- Xorriyadda Doorashada Kooxda

Tababaraha reer Portugal wuxuu qodobkan ka dhigay mid aan laga wada xaajoon karin. Wuxuu sheegay inuusan aqbalayn wax faragelin ah oo lagu sameeyo go’aamadiisa farsamo. Ciyaaryahan aan difaac ahaan dadaal sameyn ama aan soo bandhigin heerka loo baahan yahay ma ciyaari doono, magaca uu doono ha lahaadee.

4- Shaqaalaha Farsamada

Mourinho wuxuu la imaan doonaa dhammaan shaqaalihiisa hadda la shaqeeya, oo ay ku jiraan:

João Tralão (kaaliyaha koowaad)

Ricardo Formosinho

Pedro Machado

Ricardo Rocha

Ruben Suarez (falanqeeye muuqaal)

Antonio Diaz (tababaraha jir-dhiska)

Nuno Santos (tababaraha goolhayayaasha)

Intii wadahadalladu socdeen, Florentino Pérez wuxuu soo jeediyay in Álvaro Arbeloa lagu daro shaqaalaha, Mourinho-na kama uusan hor imaan.

5- Ka Tagista Antonio Pintus

Mourinho wuxuu ku adkeysanayaa in kooxda laga saaro tababaraha jir-dhiska Antonio Pintus, isagoo u arka dhaawacyada joogtada ah ee kooxda inay yihiin kuwo aan la aqbali karin. Wuxuu rabaa inuu la shaqeeyo shaqaale uu si buuxda ugu kalsoon yahay.

6- Arrimaha Caafimaadka

Mourinho wuxuu codsaday in la sameeyo nidaam cad oo oggolaanaya ra’yi caafimaad oo labaad haddii ciyaaryahan codsado ama xaaladdu u baahan tahay. Sidoo kale wuxuu rabaa xiriir toos ah oo dhex mara isaga iyo shaqaalaha caafimaadka si looga fogaado khaladaadkii hore ee ogaanshaha dhaawacyada.

7- Liiska Ciyaartoyda

Tababaruhu wuxuu aaminsan yahay in kooxda ay tahay inay xagaagan iska fasaxdo 7 ciyaaryahan, maadaama aysan ku habboonayn heerka kooxda ama qorshihiisa farsamo. Dhanka kale, ciyaartoyda heshiisyadoodu dhammaanayaan sida:

David Alaba

Dani Carvajal

Fran Gonzalez

kuma jiraan liiskan bixitaanka.

8- Qaabka Xiriirka Maamulka

Mourinho wuxuu rabaa in xiriirkiisa maamulka uu ku koobnaado madaxweynaha kooxda oo keliya, isaga oo aan u baahnayn inuu la xiriiro mas’uuliyiin kale sida agaasimaha guud ama xubno kale oo maamulka ka tirsan.

9- Joojinta Safarada Xagaaga

Mourinho wuxuu diiday safarada diyaar-garowga ee dibadda, gaar ahaan kuwa America iyo Asia, isagoo aaminsan inay dhaawacayaan kooxda dhinaca jirka iyo maskaxda. Wuxuu doorbidayaa in la yareeyo kulamada saaxiibtinimo isla markaana isaga si buuxda u maamulo.

10- Shuruudaha Mourinho Lama Gorgortami Karo

Dhammaan qodobadan waa hal xirmo oo aan wax laga beddeli karin ama laga gorgortami karin. Mourinho wuxuu caddeeyay inuu gabi ahaanba diidi doono dalabka haddii hal qodob oo keliya aan la aqbalin.

Hadda go’aanka wuxuu gacanta ugu jiraa Florentino Pérez, kaasoo maalmaha soo socda go’aamin doona mowqifkiisa, iyadoo faylka tababaraha cusub ee Real Madrid uu weli furan yahay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga