James, Amorim, Xavi, Haaland, Kimmich, Zubimendi, Wirtz & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh.

Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Indha-indheeyayaal Real Madrid ah ayaa kooxda ku booriyay in ay hore ugu sii riixaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz iyaga oo aaminsan in uu yahay xiddig heersare ah (Relevo).

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool iyo Manchester City ayaa aaminsan in Wirtz ay u badan tahay inuu sii joogo Leverkusen xagaagan ka dib markii maamulaha Xabi Alonso uu xaqiijiyay inuu sii joogi doono kooxda xilli ciyaareedka soo socda (HITC).

Marka laga soo tago Wirtz, Real Madrid waxay sidoo kale isha ku haysaa horumarka xiddiga Leeds United Archie Gray. Bayern Munich ayaa sidoo kale isha ku heysa ciyaaryahanka khadka dhexe (HITC).

Manchester United ayaa diyaar u ah inay bixiso in ka badan 86 milyan si ay ula soo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Joao Neves oo ka tirsan Benfica (Record).

Chelsea ayaa sidoo kale xiiso u qabta Neves waxayna indha-indheeyayaal u dirtay kulankii Benfica ay barbaraha 2-2 la gashay Sporting CP (Record).

Barcelona ayaa rajeynaysa inay ku qanciso Xavi inuu beddelo maankiisa oo uu sii ahaado tababaraha isagoo qorsheynaya inay dalab u dirto Erling Haaland xagaaga 2025 (El Mundo).

Arsenal ayaa xiriir la samaysay kooxda Bayern Munich si ay uga hesho saxiixa Joshua Kimmich kaas oo heshiiskiisa Allianz Arena uu dhacayo 2025 (Football Transfers).

Reece James ma doonayo inuu ka tago Chelsea iyadoo lala xiriirinayay bixitaan maalmihii la soo dhaafay, iyadoo kooxdu ay u baahan tahay inay iibiso ciyaartoy si ay u buuxiso xeerka dhaqaale wanaaga (HITC).

Barcelona ayaa isha ku haysa in ay dhamaystirto heshiiska tababaraha kooxda Sporting Lisbon ee Ruben Amorim si ay badal uga dhigto Xavi oo baxay halka Liverpool iyo Bayern Munich ay dib u qiimeeyeen dookhyadooda kadib markii Xabi Alonso uu go’aansaday inuu iska sii joogo Bayer Leverkusen (Independent).

Barcelona ayaa bartilmaameedsan doonta weeraryahanka Manchester City iyo Norway Erling Haaland, oo 23 jir ah, sanadka 2025, taasoo qayb ka ah istaraatiijiyad saxiix ah oo ay rajeynayaan inay ku qanciyaan Xavi inuu sii joogo wax ka badan xilli ciyaareedkan (Mundo Deportivo).

Arsenal ayaa sidoo kale u muuqata mid ugu cad cad saxiixa 25 jirka khadka dhexe ee kooxda Real Sociedad ee Martin Zubimendi kaas oo sidoo kale lala xiriirinayo kooxda Bayern Munich (Caught Offside).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga