Inter Oo Markii 20-aad Ee Taariikhdooda Ku Guulaystay Horyaalka Talyaaniga.

Kooxda Inter Milan ayaa si Rasmi ah ugu guulaystay horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedka 2023/2024 kadib markii ay garaaceen kooxda ay jaarka yihiin ee Milan.

Ku Guulaysiga Inter ee horyaalka ayaa yimid kadib markii ay ka badisay Ac Milan kulan ku dhamaaday 2/1 kulan ka tirsanaa todobaadkii 33-aad.

Dhibcaha Inter Milan ayaa haatan kor ugu kacay 86 dhibcood iyaga oo ku jira kaalinta 1-aad.

Kooxda ugu dhaw ee ku xigta Inter ayaa ah Ac Milan oo leh 69 dhibcood.

Kooxda Inter ayaa markii 20-aad ku guulaysatay horyaalka Talyaaniga waxana ay tahay kooxda 2-aad ee ugu guulaysiga badan horyaalka kadib Juventus oo 36 jeer ku guulaystay horyaalka.

Markii ugu dambaysay ee ay Inter ku guulaystay horyaalka Talyaaniga ayaa ahayd 3 sano ka hor gaar ahaan xilli ciyaareedkii 2020/2021.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga