Hordhac: Man United Vs Man City: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Final-ka FA Cup-ka.

Kooxaha Man United iyo Man City ayaa isaga hor iman doona final-ka tartanka ugu da’da weyn kubada cagta.

Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ku guulaystaan koobka si ay u badbaadiyaan xilli ciyaareedkooda.

Dhinaca kale Man City ayaa doonaysa in ay markii 2-aad oo xidhiidh ah ku guulaysato tartanka FA Cup-ka.

Kulanka: Man United Vs Man City

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 5:00

Garoonka: Wembley

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankana waa ku celiskii kulankii sanadkii hore ee FA Cup-ka markaas oo ay Man City ku garaacday Man United waana markii 2-aad ee taariikhda tartanka ay isaga hor yimaadeen isla laba kooxood final-ka kulanka.

Man City ayaa badisay labadii kulan ee ay la ciyaartay Man United premier league iyaga oo kaga badiyay 3 gool markii ugu horaysay ee ay City 3 gool kaga badisay man United waxa ay ahayd 1969/1970.

Man United ayaa laga badiyay 6 kulan oo ka mid ah 7-dii kulan ee uu dambeeyay ee ay la ciyaartay Man City.

Man United ayaa badisay 5 ka mid a 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee FA Cup-ka ay la ciyaartay Man City.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga