Hazard Oo Sharaxay Sababtii Uu Ugu Fashilmay Real Madrid.

Laacibka reer Belguim ee Eden Hazard ayaa tilmaamay sababtii uu ugu fashilmay kooxda Real Madrid.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa Real ku biiray xagaagii 2019 isaga oo kaga biiray Chelsea laakiin waxa uu ku fashilmay in uu naftiisa muujiyo isaga oo ku dhibaatooday 4-tii sano ee uu joogay kooxda.

Hazard ayaa ku yiri hadal uu siiyay wargeyska Faransiiska ka soo baxa ee “L’Equipe”: “Waxaan taageere u ahaa Zinedine Zidane tan iyo yaraanteydii.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Santiago Bernabeu iyo shaqaalaha Real Madrid waxa ay leeyihiin sixir aanay dadka kale haysan, Real Madrid waa mid gaar ah”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Uma malaynayo in aan ku haboona Real Madrid aniga oo kale maaha, mana jeclayn qaabka aan u ciyaarno marka loo eego kooxaha kale”.

Wuxuu ku daray: “Laakiin riyadeydu waxay ahayd inaan u ciyaaro Real Madrid”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Waxa aan doonayay in aan guulo la gaadho Real Madrid wax fiicana sameeyo Real Madrid way ka weyntahay wax walba”.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “In aan u ciyaaro Real Madrid waa wax adag, laga yaabee inaan u baahday tababar dheeri ah, sidoo kale waxaan soo gaaray dhaawacyadii ugu xumaa waqtiyadii ugu xumaa”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga