Barcelona Oo Liiska Champions League Ku Dartay Saxiixoodii Cusbaa Ee Suuqa January.

Barcelona ayaa xoojin dheeri ah ku sameyn doonta kooxdeeda wareega bug baxa ee Champions League bishaan ka dib markii ay liiska ku dartay Vitor Roque.

Dhammaan 16-ka kooxood ee ka qeyb galaya heerka xiga ee tartanka ayaa loo ogol yahay in ay badalaan dookhyada kooxdooda sida uu dhigayo sharciga UEFA Barca ayaana go’aansatay inay ku darto ciyaaryahanka reer Brazil dookhooda.

Da’yarka reer Brazil ayaa wacdaro dhigay tan iyo markii uu yimid Catalonia bilowgii sanadka 2024 isaga oo dhaliyay goolkiisii ​​ugu horeeyay ee kooxda kulankii La Liga ay kaga badiyeen Osasuna bartamihii todobaadkan.

Vitor Roque ayaa la filayaa in uu door weyn ku yeesho kooxda kowaad todobaadyada soo socda waxana ay tani ka mid noqon kartaa in uu boos ka helo qorshaha Xavi ee tartanka champions League halkaas oo ay Barca ku kulmi doonto Napoli wareega 16ka kulan laba lugood ah 21ka February iyo March 12.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga