Harry Maguire Oo Ka Fal Celiyay Ka Reebistii Laga Reebay Xulka England Iyo Tartanka Euro 2024.

Kabtankii hore ee kooxda Man United Harry Maguire ayaa ka fal celiyay ka reebistii laga reebay tartanka Euro 2024.

Harry Maguire ayaa hogaaminaya xiddigo laga saaray Liiska kama dambaysta ah ee tartanka Euro 2024.

“Aad ayaan uga xumahay in aan la ii dooran in aan England u ciyaaro Euro xagaagan”.

“Inkasta oo aan dadaalay, haddana ma awoodin in aan ka gudbo dhaawac ka soo gaaray kubkayga. Waxaa laga yaabaa inaan naftayda aad ugu riixay, inaan isku dayo oo aan sameeyo”.

“Aniga ahaan, in aan matalo England waa sharafta ugu sareysa. Wax walba ayay aniga ila tahay. Haddii aanan caawin karin kooxda ciyaaryahan ahaan, waxaan u taageeri doonaa taageere ahaan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga