Haaland oo rikoor cusub ka sameeyay Champions League & Taariikh weyn uu dhigay …..

Erling Haaland ayaa mar kale taariikh ka sameeyay UEFA Champions League, kaddib markii uu laba gool ka dhaliyay Porto, isagoo Manchester City ku hoggaamiyay guul 2-0 ah oo ay ka gaartay kooxda reer Portugal.

Goolashaas waxay Haaland gaarsiiyeen 36 gool oo Champions League ah oo uu u dhaliyay Manchester City, taasoo ka dhigtay inuu barbarreeyo halyeeyga kooxda Sergio Agüero oo isna City u dhaliyay 36 gool tartankan. UEFA ayaa diiwaankeeda ku muujisay Agüero inuu leeyahay 36 gool Champions League ah, halka Haaland uu xilligan gaaray heerkaas.

Waxa ka sii yaab badan in Haaland uu rikoodhkan ku gaaray 24 kulan oo ka yar Sergio Agüero, taasoo muujinaysa heerka aan caadiga ahayn ee gooldhalintiisa Champions League, Haaland sidoo kale wuxuu hadda leeyahay 59 gool oo Champions League ah guud ahaan, isagoo ka gudbay Thomas Müller oo lahaa 57 gool, waxaana uu galay kaalinta 7-aad ee gooldhaliyeyaasha ugu sarreeya taariikhda tartanka, sida xogta la soo bandhigay kulankan.

Kulankii Porto, Haaland wuxuu goolka koowaad dhaliyay daqiiqaddii 47-aad, kaddib kubbad uu soo dhigay Enzo Fernández. Wuxuu goolka labaad ku daray waqtigii dheeriga ahaa ee qeybta labaad, daqiiqaddii 90+1, si uu City ugu xaqiijiyo saddexda dhibcood, Manchester City ayaa sidaas ku bilowday Champions League 2026/27 guul, iyadoo Haaland uu mar kale noqday xiddiga ugu weyn ee kooxda.

Kulanka waxaa sidoo kale lagu arkay bandhig wanaagsan oo uu sameeyay Ayyoub Bouaddi, kaasoo ciyaaray kulankiisii ugu horreeyay ee buuxa ee Manchester City, Qeybtii hore, Bouaddi wuxuu dhammeystiray 39 ka mid ah 39 baas, taasoo ka dhigan 100% saxnaan,  Waxa uu ka caawiyay City inay xakameyso khadka dhexe, gaar ahaan xilli Porto ay isku dayaysay inay cadaadis saarto kooxda martida ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga