Haaland oo Manchester City ku hoggaamiyay guul ay 2-0 kaga gaartay Porto

Manchester City ayaa si wanaagsan ku bilaabatay ololaheeda UEFA Champions League 2026/27, kaddib markii ay 2-0 kaga adkaatay Porto kulan ka dhacay garoonka Estádio do Dragão, Kooxda uu hoggaaminayo Enzo Maresca ayaa ciyaarta inteeda badan gacanta ku haysay, waxaana labada gool u dhaliyay weeraryahanka reer Norway Erling Haaland.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-0, inkastoo Manchester City ay si weyn u maamuleysay kubadda, City ayaa haysatay kubadda 66%, iyadoo shan jeer si toos ah ugu toogatay goolka Porto, balse fursadahaas uma aysan beddelin gool, Porto ayaa awoodday inay iska caabiso cadaadiska City ilaa laga gaaray qeybtii labaad , Daqiiqaddii 47-aad, Erling Haaland ayaa Manchester City u dhaliyay goolka koowaad, kaddib baas uu ka helay Enzo Fernández, oo kamid ah ciyaartoyda cusub ee kooxda.

Haaland ayaa markale muujiyay awooddiisa gooldhalinta, isagoo City u horseeday inay ciyaarta hoggaanka qabato, Manchester City ayaa sii waday cadaadiskeeda, waxaana dadaalkaas miro dhalay daqiiqaddii 91-aad, Haaland ayaa dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta, isaga oo Manchester City ka dhigay 2-0, isla markaana xaqiijiyay saddexda dhibcood.

Guushan ayaa Manchester City siisay saddex dhibcood oo muhiim ah kulankeeda ugu horreeya ee marxaladda horyaalka Champions League, Haaland ayaa noqday xiddigii ugu weynaa kulanka, isagoo labada gool ee City dhaliyay, halka Enzo Fernández uu sidoo kale door muhiim ah ku lahaa goolkii furitaanka.

Kulanka labaad ee Champions League, Manchester City waxay 14-ka October ku qaabili doontaa garoonka Etihad Stadium kooxda Paris Saint-Germain.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga