Guimaraes, Isak, Kimmich, Diaz, Branthwaite & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh.

Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Manchester United ayaa ku qasbanaan doonta inay bixiso ugu yaraan 80 milyan Manchester United ayaa ku qasbanaan doonta inay bixiso ugu yaraan 80 milyan hadii ay doonayaan inay daafaca dhexe ee Jarrad Branthwaite kala soo wareegaan Everton xagaaga (TEAMTalk).

Liverpool, Manchester United ayaa ah magacyada ugu horeeya ee xiiseynaya Brahim Diaz, laakiin xiddiga dhawaan ku biiraya Morocco ma xiiseynayo inuu ka tago Real Madrid (HITC).

Borussia Dortmund ayaa xiiso u qabta in ay dib ula soo saxiixato Jadon Sancho heshiis joogto ah, laakiin kaliya lacag dhan 30 milyan waana lacag aad uga yar lacagtii 73 milyan ee ay United kula soo wareegtay xiddiga sanadkii 2021 (Sky Sport Germany).

Marcus Rashford ayaa sidoo kale lala xiriirinayay inuu ka tagayo Manchester United xilli ay xiiseynayaan PSG, laakiin ma doonayo inuu ka tago Old Trafford  (The Sun).

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich Joshua Kimmich ayaa u furan inuu ku biiro Arsenal, Barcelona, ​​Liverpool, Manchester City ama Real Madrid, laakiin wuxuu meesha ka saaray inuu u dhaqaaqo Chelsea, Manchester United iyo PSG (Sky Sport Germany).

Chelsea, Liverpool iyo Manchester City ayaa ka mid ah kooxaha xiiseynaya weeraryahanka PSV Eindhoven Johan Bakayoko, kaasoo lagu heli karo lacag u dhaxeysa 42 ilaa 50 milyan (Sky Sport Germany).

Kormeerayaasha Real Madrid iyo PSG ayaa isha ku hayay Alexander Isak iyo sidoo kale saaxiibkiisa Newcastle Bruno Guimaraes (HITC).

Arsenal ayaa bartilmaameedkeeda koowaad ka dhigtay xiddiga RB Leipzig ee Benjamin Sesko. Waxay rabaan inay iibiyaan Eddie Nketiah, Emile Smith Rowe iyo Reiss Nelson si ay u maalgeliyaan qorshahooda xagaaga (Football Transfers).

Raheem Sterling waxaa ka go’an inuu sii joogo Chelsea xagaagan inkastoo ay xiiseynayaan kooxaha Saudi Pro League (Evening Standard).

Arsenal, Man Utd iyo Liverpool ayaa dhamaantood ku dagaalami doona saxiixa garabka Borussia Dortmund Donyell Malen (BILD).

Manchester City ayaa raadineysa bedelka khadka dhexe ee Kevin De Bruyne, indha indheeyayaal ayaa haatan mudnaanta siinaya u dhaqaaqista Xavi Simons (Fichajes).

Liverpool ayaa isha ku haysa daafaca kooxda Ajax ee Jorell Hato kaas oo sidoo kale diirada u saaran kooxda Arsenal. 18-sano jirkaan ayaa dhawaan saxiixay qandaraas cusub oo waqti dheer ah (Football Insider).

Real Madrid ayaa isha ku haysa mustaqbalka garabka reer Spain ee Bryan Zaragoza ee kooxda Bayern Munich. 22-sano jirkaan ayaa ku dhibtooday daqiiqado tan iyo markii uu u dhaqaaqay Jarmalka bishii Janaayo (Don Diario).

Zaragoza ayaa la siin doonaa fursad uu ugu soo laabto La Liga Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan (Fichajes).

Newcastle United ayaa ka fiirsan doonta inay iska iibiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil Bruno Guimaraes, oo 26 jir ah, si ay ugu maalgeliso kharashaadkooda xagaaga (Football Insider).

Real Madrid iyo Paris St-Germain ayaa daawanayay Guimaraes kulankii sabtida ee FA Cup-ka ee Manchester City, halka PSG ay sidoo kale isha ku heysay mid ka mid ah saaxiibadiisa Newcastle – weeraryahanka Sweden Alexander Isak (HITC).

Liverpool ayaa sare u qaaday xiisaha ay u qabto daafaca bidix ee Bayer Leverkusen Piero Hincapie, oo 22 jir ah una dhashay dalka Ecuador (HITC).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga