Kimmich Oo Doortay 5 Koox Oo Uu Ku Biiri Karo Hadii Uu Ka Tago Bayern Munich.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Joshua Kimmich ayay u badan tahay in uu ka tago kooxda reer Germany sida laga soo xigtay warbaahinta Germany.

Xiddiga Bayenr Munich ayaa si weyn loo hadal hayaa mustaqbalkiisa iyada oo xidhiidhka xiddiga 29 jirku la leeyhaay Thomas Tuchel uu sii xumaaday.

Sida laga soo xigtay warbixin cusub oo ka soo baxday Sky Germany, Bayern qasab ma aha inay iibiso Kimmich xagaaga, laakiin Waxa ay diyaar u yihiin in ay iibiyaan xiddiga hadii ay helaan dalab sare.

ciyaaryahanka ayaa leh mowqif la mid ah kooxda, ma doonayo in uu ka tago kooxda laakiin waxa uu ka fiirsan doonaa bixitaanka hadii uu helo dalab fiican.

Intaa waxaa dheer, Kimmich uu leeyahay fikrad cad oo ah kooxaha uu jeclaan lahaa inuu ku biiro haddii uu ka tago kooxda Bayern.

Wararka ayaa sheegeysa in 29-sano jirkaan uusan dooneynin inuu u dhaqaaqo Chelsea, Man Utd ama PSG. Taa bedelkeeda, Kimmich ayaa ka fiirsan doona inuu ku biiro Liverpool, Man City, Arsenal, Barcelona iyo Real Madrid.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga