Goolhayha Juventus Oo Shaaciyay Xiddig Uu Ka Cabsanayo Ka Hor Kulanka Inter.

Goolhayaha Poland Wojciech Szczesny ayaa qirtay inuu rajeynayo inuu ka fogaado inuu wajaho Hakan Chalanoglou ama Lautaro Martinez marka rikoodhe loo dhigo Inter Kulankooda Horyaalka Talyaaniga.

Szczesny ayaa sheegay in uu daraaseynayo ciyaartoyda ku takhasusay gool ku laadka ka hor kulanka muhiimka ah ee horyaalka Talyaaniga ee ka dhici doona San Siro.

Si kastaba ha ahaatee, goolhayaha Juve ayaa sheegay in marka Chalanoglu uu si fiican kubbada ugu taabto rigoore aysan jirin wax badan oo la samayn karo si looga hortago in kubbada ay soo gasho goolka, xitaa haddii goolhayaha uu qiyaaso jihada saxda ah.

Szczesny ayaa wareysi uu siiyay TNT Sports ku yiri: “Chalanoglu waa xoog badan yahay xitaa ma jirto baahi weyn oo loo qabo in la barto, sababtoo ah wuxuu si fiican u garanayaa sida rigoorada loo Tuuro, waad qiyaasi kartaa jihada laakiin ma qaban kartid kubada”.

Juventus ayaa rajaynaysa in ay Inter ku garaacdo garoonkeeda San Siro kulan muhiim u ah tartanka loogu jiro horyaalka Talyaaniga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga