Allegri Oo Shaaciyay Furaha Kooxdiisa Ka Caawin Kara Garaacista Inter

Tababaraha Kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa shaaca ka qaaday furaha kooxdiisa ka caawin kara in ay garaacdo Inter Milan.

Juventus iyo Inter ayaa ku kulmi doona kulan adag oo ka tirsan horyaalka Talyaaniga.

Massimiliano Allegri oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan helnay xiddigihii naga maqnaa”.

“Barri waxa ay noqon doontaa ciyaar fiican, waan garanaynyaa awooda Inter wali waxa noo dhiman dhibco aan ku guulaysano ujeedkeenuna awaa in aan u soo baxno champions Legaue”.

“Waa in aan aaminaa awoodeena ah in aan badin karno isla akraas natiijo fiican kala bixi karno kulanka”.

“Tartanku wuu adagyahay waxana aan ciyaarnaa hal kulan todobaadkii waana arinta na caawinaysa in aan garaacno Inter”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga