
Arsenal iyo Liverpool ayaa labadooduba guul gaadhay kulanki 25-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkii 2024/2025.
Gunners ayaa garaacday Leicester City halka Liverpool ay guul dirqi ah ka gaartay Wolves.
Kooxda Arne Slot ayaa todoba dhibcood oo nadiif ah ku Haysa hogaanka premier league iyada oo ay kulamo adag ku Soo socdaan.
Reds ayaa wajihi doonta Aston Villa, Manchester City, iyo Newcastle seddexda kulan ee soo socota ee horyaalka.
Reds ayaa ku guuldaraysatay inay sii dheereysato hogaanka kulanka Merseyside derby.
Opta ayaa Liverpool in ay ku guulaysato Horyaalka Premier League fursad u siisay 85.8%.
Halka ay Arsenal siisay fursad 14.1% ay ugu guulaysan karto Horyaalka Premier League.
Be the first to comment