FIFA Virus: Masiibada Dhaawacyada Oo Ku Sii Badanaya Arsenal.

Arsenal ayaa tirinaysa khasaaraha fasaxa Xulalka iyada oo durba laba Xiddig Kaga dhaawacmeen kulamada caalamiga ah.

Arsenal ayaa habeen kaliya dhaawac ku Wayday laba xiddig Oo Muhiim u ah kooxda kuwaas oo ku Dhaawacmay Xulalka.

Xiddigaha Jurrien Timber iyo Riccardo Calafiori ayaa dhaawacyo ka Soo gaadheen kulamada Xulalkooda.

Waxaa la xaqiijiyay horaantii jimcaha in Calafiori uu ku laabanayo Arsenal ka dib markii uu soo gaaray dhaawac jilibka ah.

Calafiori waxa qolka dhaawac kula Biiray xiddiga Timber kaas oo isna dhaawac ka Soo gaadhay kulankii xulkiisa.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga