FIFA Virus: Liverpool Oo Xiddig Muhiim Ah Uga Dhaawacmay Fasaxa Xulalka.

Goolhayaha kooxda Liverpool ee Alisson Becker ayaa isaga baxay xulka qaranka Brazil kadib markii uu jug soo gaaray.

Goolhayaha ayaa isku dhac xun madaxa la galay xiddiga Colombia ee Davinson Sanchez intii lagu jiray xalay isreebreebka koobka adduunka 2026.

Alisson ayaa doonayay in uu kubad karoos ah ka difaaco goolkiisa laakiin waxa ay isku dheceen Daafac xulka Colombia ee Sanchez.

Dhakhaatiirta Brazil ayaa ciyaarta kadib xaqiijiyay in Alisson uu soo gaaray dhaawac looga shakiyay inuu qabo miyir beelka isla markaana uu mari doono baaritaano.

“Alisson waxa uu dhaawac ka soo gaaray madaxa waxaana la bedelay” ayay yidhaahdeen dhakhaatiirta xulka qaranka.

“Hadda waxaan raaci doonaa nidaamka CBF, wuxuuna mari doonaa baaritaanada sawirada ee lagu taliyey, CT scan ka dibna fidinta MRI. Haddii dhammaan baaritaanada ay caadi yihiin, waan sii wadi doonaa oo waxaan sameyn doonaa baaritaanka garashada”.

Hadda waxaa la xaqiijiyay in Alisson uu dib ugu laabtay Liverpool si uu baaritaano dheeri ah ugu sameeyo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga