Erik ten Hag Oo Ka Warbixiyay Dhaawaca Luke Shaw

Erik ten Hag ma uusan xaqiijin karin nooca ama darnaanta dhaawaca ku qasbay Luke Shaw inuu ka baxo Manchester United guushii ay ka gaareen Luton Town, laakiin wuxuu qirtay in uusan ahayn mid fiican.

Daafaca bidix ayaa ka baxay kulankii ay 2-1 kaga badiyeen kooxda Luton kulan ka dhacay Kenilworth Road ka hor qeybta nasashada, waxaana lagu bedelay Victor Lindelof.

Waxaa jira walaac laga qabo daafaca dambeedka midig ee England marka loo eego in uu xiddigu yahay mid muhiim u ah kooxda.

“Ma sheegi karo,” ayuu Ten Hag u sheegay BBC Radio Five Live markii wax laga waydiiyay dhaawaca Luke Shaw.

“Waa inaan sugno ugu yaraan ilaa berri si aan u aragno waxa dhacaya, sida iska cad marka aad ciyaarta ka baxdo ma ahan wax fiican”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga