BREAKING:- Barcelona oo lawareegtay Rodri & imisa sano ayuu saxiixayaa ?

Screenshot

Wararka ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Barcelona iyo Manchester City ay gaareen heshiis ku saabsan saxiixa Rodri, iyadoo City ay ugu dambeyn oggolaatay dalabkii ugu dambeeyay ee Barça, Fabrizio Romano ayaa heshiiska ku tilmaamay heshiiskan ugu dambeyn inuu dhacay.

Rodri ayaa lagu wadaa inuu Barcelona u saxiixo qandaraas afar sano ah oo soconaya ilaa Juun 2030, Heshiiska ayaa yimid kadib maalmo badan oo wada-xaajood ah, iyadoo Barcelona ay dalabkeeda kor u qaaday ilaa ku dhowaad €70 milyan, iyadoo heshiiska kama dambaysta ah uu weli ku xirnaa dhammaystirka dukumentiyada.

Rodri, oo ah mid ka mid ah khadadka dhexe ee ugu tayada badan kubadda cagta, wuxuu Manchester City uga tagayaa kadib sannado uu kooxda muhiim u ahaa,  Wararku waxay sidoo kale sheegayaan inuu doorbiday Barcelona, iyadoo uu iska diiday fursad uu ugu biiri lahaa Real Madrid.

Waxaa intaas dheer in João Cancelo uu isna ku dhow yahay inuu ku laabto Barcelona, taasoo ka dhigan karta in Barça ay hal mar ku soo celiso laba ciyaaryahan oo horey uga soo ciyaaray kooxda,  Barcelona ayaa qorsheynaysa safarka iyo baaritaanka caafimaad ee Rodri iyo Cancelo maalmaha soo socda.

Haddii heshiisyadu si rasmi ah u dhammaadaan, Hansi Flick wuxuu heli doonaa Rodri oo khadka dhexe ah iyo Cancelo oo garabka midig ah, taasoo si weyn u kordhin karta tayada iyo khibradda kooxda xilli ciyaareedka cusub.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga