DEG-DEG: Xabi Alonso Oo Ogolaaday In Uu Ku Biiro Liverpool.

Richard Keys ayaa sheegay in Xabi Alonso uu go’aansaday inuu Jurgen Klopp ka bedelo Liverpool.Wararka ka imanaya Germany ayaa sheegaya in tababaraha Bayer Leverkusen uu door bidi lahaa in uu sii joogo Bundesliga laakiin Liverpool ayaan wax calaamad ah u haysan in ay hoos u dhigto rajadeeda.

Taa bedelkeeda, waxay la dagaalami doonaan Bayern iyadoo labadoodaba ay u muuqdaan inay Alonso ka dhigtay musharaxooda 1-aad.

Labada kooxood ayaa sidoo kale doonaya tababaraha Brighton Roberto De Zerbi.

Agaasimaha cusub ee ciyaaraha Richard Hughes ayaa taageere weyn u ah tababaraha reer Talyaani wuxuuna isku dayay inuu keeno Bournemouth markii Scott Parker uu ka tagay kooxda laba sano ka hor.

Liverpool waxa ay doonaysaa tababare da’yar oo kooxda ku kori kara, iyo sidoo kale qof ciyaara kubbad weerar ah oo leh shakhsiyad adag.

Soo-jeediyaha Ciyaaraha BeIN Keys ayaa ku qoray blog-giisa: ‘Sida aan had iyo jeer idhaahdo marka aan la wadaago wararka sidan oo kale ah – heshiisyadan waaweyn mar walba way khaldami karaan. Waxaa jira wax badan oo khaldami kara marka laga hadlayo heshiisyadan oo kale laakiin waxa aan helay xog sheegaysa in uu Alonso Go’aansaday in uu ku biiro Liverpool”.

“Haddii aan ahay taageere Liverpool ah – taasi waa ay i farxad gelisaa.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga