DEG-DEG: Mikel Arteta Oo Xaqiijiyay In Ay Wadahadalo Kula Jirto Mbappe.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka fal celiyay wararka ka tagista Mbappe ee kooxda PSG.

Shalay ayay ahayd markii uu Mbappe maamulka PSG u sheegay in uu isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa muddo lala xidhiidhinayay xiddiga reer France iyada oo la sheegayo in uu xiddigu doonayo in uu ku biiro Arsenal.

Mikel Arteta ayaa shirkii ka horeeyay kulanka Burnley wax laga waydiiyay hadii ay kooxdiisu xiiso u qabo saxiixa xiddiga.

“Miyaad xiiso u qabtaan mbappe xitaa hadii aad ogtihiin meesha uu u socdo? ayaa Arteta la waydiiyay.

Waxa uu ku jaaabay”Miyaad ogtihiinba”.

“Marka uu xiddigu yahay mid heer sare ah waa in aad mar walba wadahadalo la yeelato laakiin horay ayaan u sheegay waxa ay u muuqataa waddo kale”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga