Tottenham Hotspur Oo Ka Wal-Walsan Liverpool & Badalka Klopp Oo Sabab U Ah.

Tottenham Hotspur ayaa lagu soo waramayaa inay ka cabsi qabto in Tababarohooda Ange Postecoglou u dhaqaaqo Liverpool xagaaga.

Horraantii sanadkan, Jurgen Klopp ayaa ku dhawaaqay inuu soo afjari doono xiriirkii dheeraa ee uu la lahaa kooxda Merseyside-ka dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Iyada oo Liverpool ku tartamayso 4 koob xilli ciyaareedkan waxa ay noqon doontaa kooxda ugu cad-cad horyaalka xilli ciyaareedka dambe.

Tan ilaa markii uu Klopp shaaciyay in uu ka tagayo Liverpool Waxa lala xidhiidhinayaa tababarayaal badan oo uu ka mid yahay Xabi Alonso.

Si kasta ha ahaatee Sida laga soo xigtay Football Insider, Tottenham ayaa ka wal-walsan in ay Liverpool u dhaqaaqi doonto saxiixa tababare Postecoglou.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga