DEG-DEG: Arsenal Oo War Ka Soo Saartay Halis Soo Wajahday Kulanka Bayern Munich Ee Champion League

jawaabtay kadib markii ay Daacish ku hanjabtay in ay weerar ku qaadi doonto garoonka Emirates Stadium ka hor kulanka ay la ciyaari doonaan kooxda Bayern Munich.

Kooxda argagixisada ah ee ISIS ayaa hanjabaad ku soo rogtay mid kasta oo ka mid ah afarta goobood ee lagu qabanayo ciyaaraha Champions League todobaadkan.

Waxaa ku jira kulanka ka dhici doona Emirates iyadoo Arsenal ay caawa la ciyaari doonto Bayern Munich lugta hore ee siddeed dhammaadka.

Kahor ciyaarta Arsenal ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay inay si dhow ula shaqeyn doonaan booliska si loo xaqiijiyo amniga taageerayaasha.

War saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: “Waxaan si dhow ula shaqeyneynaa Booliska Metropolitan, si aan u ilaalino amaanka aageerayaasha iyo shaqaalaha garoonka Emirates dhammaan ciyaarahayada”.

“Qorshahayaga kulanka caawa ma ahan mid ka duwan sidii kulamadii hore Booliska iyo UEFA, waa mid u dhigma heerka khatarta UK ee hadda.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga