Josep Martínez, goolhayaha Inter Milan, ayaa sameeyay qalad weyn oo qayb ka noqday goolkii labaad ee Real Madrid, taasoo taageerayaasha kubadda cagta xusuusisay qaladkii caanka ahaa ee Loris Karius uu sameeyay kulankii finalka Champions League ee 2018.
Martínez ayaa kubadda dib uga helay Benjamin Pavard, balse halkii uu si degdeg ah u bixin lahaa, wuxuu kubadda ku hayay gudaha xerada ganaaxa, taasoo fursad siisay Federico Valverde inuu cadaadis saaro, Markii Martínez isku dayay inuu kubadda la wareego oo uu dhinac u jeesto, Valverde ayaa si degdeg ah uga qaaday.
Xiddiga reer Uruguay ayaa markaas kubadda si fudud ugu dhaliyay shabaqa Inter Milan, isagoo Real Madrid u dhigay 2-0, Waxa arrinta ka sii yaab badan in Inter Milan ay ciyaarta si wanaagsan ku bilaabatay, Kooxda Talyaaniga ayaa sameysay 6 isku-day oo gool ah ka hor inta aysan Real Madrid sameyn isku-daygeedii ugu horreeyay.
Si kastaba, Real Madrid ayaa labada fursadood ee ugu horreeyay ka dhigtay laba gool, Qaladkii Martínez ayaa baraha bulshada ka dhaliyay hadal-heyn xooggan, iyadoo taageerayaal badan ay la yaabeen waxa uu sameeyay, Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa ku tilmaamay qaladka mid aan laga filayn heerka Champions League, halka kuwo kalena ay si toos ah ugu barbar dhigeen Karius, kaasoo qaladaad waaweyn sameeyay finalkii Champions League 2018 oo Real Madrid ay Liverpool kaga adkaatay 3-1.
Qaladkan ayaa Real Madrid ka caawiyay inay si weyn u xoojiso hoggaankeeda kulanka, iyadoo Kylian Mbappé uu horey u dhaliyay goolka koowaad, Ugu dambeyn, Real Madrid ayaa kulanka ku badisay 2-1, iyadoo Inter Milan ay goolka ay soo ceshatay dhalisay qeybtii dambe.
Martínez ayaa sidaas ku noqday mid ka mid ah dadka sida weyn looga hadlay kulanka, halka Valverde uu noqday ciyaaryahankii ka faa’iidaystay qaladkiisa.
Es lamentable que un futbolista profesional hago esto, es lamentable lo del portero del Inter, Josep Martínez, canterano del Barça. pic.twitter.com/xmcqF3EC7t https://t.co/jIMD998ex0
— AtletionTop (@AtletiOnTop) September 8, 2026
Hore waxa uu sameeyey Loris Karius ayaa sidaas sameeyey :-
Josep Martinez first half performance vs Real Madrid pic.twitter.com/4tsfh3hWWA
— has Real Madrid robbed a club ? (@Has_RMrbdaclub) September 8, 2026
‘
Be the first to comment