Xiddiga Real Madrid, Kylian Mbappé, ayaa si rasmi ah u guddoomay abaalmarinta gooldhaliyaha ugu sarreeyay ee UEFA Champions League xilli ciyaareedkii 2025/26, kahor kulankii Real Madrid iyo Inter ee ka dhacay garoonka Santiago Bernabéu.
Mbappé ayaa xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 15 gool 11 kulan oo Champions League ah, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa tartanka, Waxqabadkiisa cajiibka ah ayaa ka caawiyay inuu ku guuleysto kabta dahabka ee Champions League.
Weeraryahanka reer France ayaa goolashiisa ugu badan ka dhaliyay wareegga hore ee tartanka, halka uu sidoo kale shabaqa soo taabtay labada lug ee wareegga siddeed dhammaadka (quarter-final), Sida ay UEFA sheegtay, kaliya Cristiano Ronaldo ayaa hal xilli ciyaareed Champions League ka dhaliyay goolal ka badan Mbappé, isagoo hore u dhaliyay 17 iyo 16 gool laba xilli ciyaareed oo kala duwan.
Abaalmarintan ayaa sii xoojineysa sumcadda Mbappé oo ka mid ah weeraryahannada ugu fiican dunida, isla markaana wuxuu sii wadaa qorista taariikh cusub oo uu kaga dhex muuqanayo tartanka ugu weyn ee kooxaha Yurub.
Abaalmarinta waxa gudoonsiiyey halyeygii real madrid luis Figo kaasoo kamid ahaa xidigii ugu fiicnaa ee yurub soo maray.
Be the first to comment