Ceebta Ka Dhacday Horyaalka Turkey Ee Sababtay In Albaabada Loo Laabo Dhammaan Ciyaarihii Dalkaas Iyo Martigelinta Euro 2032 Oo Laga Joojinayo

Horyaalka waddanka Turkiga iyo dhamaan kubadda cagta ee dalkaas laga ciyaaro ayaa la joojiyey kaddib markii xalay ay dhacday arrin laga argagaxay oo ahayd in uu garoonka soo galay mid ka mid ah mulkiileyaasha naadiyada dalkaas oo uu feedh dhulka ugu tuuray garsoorihii ciyaarta.

Ciyaartii Turkish Super Lig ee kooxaha Ankaragucu iyo Rizespor ay xalay ku kala baxeen 1-1, waxa casaan la siiyey Ali Sowe oo u ciyaara Ankarogucu iyo Emirhan Topcu oo ka tirsan Rizespor, iyadoo waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaartana uu kooxda martida ahayd ee Rizeport uu goolka barbarraha u dhaliyey Adolfo Gaich.

Markii uu garsooraha ciyaartan oo lagu magacaabo Halil Umut Meler uu yeedhiyey siidhiga dhamaadka, ayaa waxa garoonka soo galay Faruk Koca oo ah madaxweynaha Ankaragucu oo gacanta ula tegay garsooraha.

Meler ayaa isha feedh kaga dhuftay garsooraha iyadoo ay shaashaduhu hayaan oo si toos ah loo daawanayo, waxaana isla markiiba dhulka ku dhacay Halil Umut Meler oo la arkay iyadoo ay ishu barartay.

Waxa jiray qof kale oo la socday madaxweynaha cadhooday oo laad ku dhuftay garsoore Meler, waxaana uu falkani keenay in dhamaan ciyaaraha dalkaas la joojiyo muddo aan la cayimin.

Waxa kale oo la sheegayaa in ay suurtogal tahay in Turkiga loo diido inuu martigeliyo tartanka qaramada Yurub ee Euro 2032.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga