Casemiro Oo Doortay Kooxda Uu Tegayo Haddii Ay Manchester United Go’aansato Inay Iska Dirto

Xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil ee Casemiro ayaa go’aansaday kooxda uu doonayo inuu u wareego, haddii uu ka tago Manchester United oo la sheegay inay diyaar u tahay inay iska dirto kubbad-burburiyan oo sannad iyo badh ka hor ay kala soo wareegtay Real Madrid.

Casemiro ayaa xilli-ciyaareedkiisii koowaad ee Old Trafford ku raaxaystay bandhig heersare ah oo uu ka sameeyey horyaalka Premier League, waxaana uu caddeeyey in ay Red Devils ku saxsanayd lacagtii badnayd ee ay kasoo bixisay sannadkii 2022.

51 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah ayuu u saftay Man United xilli-ciyaareedkii tegay, waxaana uu ka caawiyey in ay ku guuleystaan tartanka Carabao Cup, isaga oo finalkii dhaliyey goolashii ay ku garaaceen Nrewcastle.

Laakiin farxadda laacibkan ee xilli-ciyaareedkii hore ma aanay sii soconin, waxaana si weyn hoos ugu dhacay qaab-ciyaareedkiisa xilli-ciyaareedkan, halka sidoo kalena ay soo baxayaan warar sheegaya in kooxdu ay diyaar u tahay inay iska dirto.

Sida uu ku warramayo wariyaha reer Brazil ee Jorge Nicola, Casemiro ayaa tegi doona kooxda horyaalka Germany ee Bundesliga haddii ay noqoto inuu ka tago Manchester United, hase yeeshee waxa kale oo dookh furan u ah Bayer Leverkusen oo ay wada-hadallo toos ah yeesheen tababare Xabi Alonso.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga