DEG-DEG: Koox Weyn Oo Premier League Ah Oo Heerka LABAAD Loo Dhaadhicinayo Bisha Dambe Iyo Dembiga Culus Ee Loo Haysto

Waxa jirta cabsi weyn oo isasoo taraysa oo ah in heerka labaad loo dhaadhiciyo mid ka mid ah kooxaha waaweyn ee horyaalka Premier League bisha dambe ee January, taas oo sidoo kale ay dawladdu si buuxda ula wareegi doonto maamulkeeda iyo maaliyaddeedaba.

Bishii September ayaa mulkiilihii Everton ee Farham Moshiri uu heshiis la gaadhay shirkadda 777 Partners oo uu ka iibiyey kooxda, waxaanay kooxdu hadda isku hallaynaysay maalgelin ay ku samayso shirkadda laga leeyahay waddanka Maraykanka, laakiin waxa kusoo socota ciqaab kale.

Everton oo dhowaan laga jaray toban dhibcood oo horyaalka Premier League ah, ayaa la sheegay in hadda uu Premier League ku bilaabay baadhitaanno kale oo ay ku hayaan mulkiileyaasha shirkadda 777 ee la wareegay naadigan, kuwaas oo ay eegayaan in ay ku habboon yihiin inay ahaan karayaan kuwo ku habboon inay mulkiile ka ahaadaa naadigan.

Josh Wander oo ka mid ah aasaaseyaasha ayaa hoggaamiya shirkadda 777 waxaana uu rajaynayaa in dhukumentiyada ka hadhsan dhamaystirka la wareegista kooxda la ansixiyo waqtiga ciidda masiixiga, laakiin macluumaad uu helay wargeyska Daily Mail ayaa waxa ay muujiyeen in horyaalka Premier League uu baadhitaan ku samaynayo sannadka cusub.

Everton ayaa dhibaatada haysata waxa ka mid ah in shirkadda 777 aanay doonayn in ay maalgelin ku samayso inta ka horreysa dhamaadka bishan, sidoo kalena aanay wax lacag ah oo amaah ah ku shubi doonin xisaabta baanka ee kooxda, taasna ay kooxdu ku mutaysanayso ciqaab adag.

Toffees ayaa tan iyo bishii September waxa la amaahiyey lacag ka badan £100 milyan oo Gini, si ay ugu fushato hawlaheeda maadaama ay kooxdu dhaqaale ahaan hoosayso, waxaana hadda walaaca ugu weyn uu yahay in Moshiri aanu wax lacag ah siinayn, sidoo kalena shirkadda 777 aanay wax maalgelin ah ku samayn doonin illaa inta dhukumentiyada dhiman loo ansixinayo.

Kooxda ayaa waxay hadda u baahan tahay £20 milyan oo dheeraad ah oo ay hesho bishan gudaheeda oo ay iskaga bixiso mushaharka shaqaalaha, ciyaartoyda, iyo kharashaadka kale.

Si kastaba, Premier League ayaa la sheegay in ay doonayaan in ay Everton u diiwaangeliyaan inay tahay koox musalaftay oo aan wax lacag ah haysanin, waxaana isla marka uu go’aankani soo baxo la wareegi doonta kooxda dawladda oo maamuli doonta, iyadoo sidoo kalena heerka labaad loo dhaadhicin doono.

Everton ayaa hore looga jaray 10 dhibcood bishii October markaas oo la xaqiijiyey in kooxdu ay diiwaangelisay khasaare maaliyadeed oo ka badan intii uu sharcigu u ogolaa, waxaase isla waqtigaas la sheegay in baadhitaanno kale oo dheeraad ah lagu samaynayo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga